Home News Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada ...

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada  iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

88
0
SHARE

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26 February 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha Iyo Dhalinyarada Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 27. February 26, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu Qiimeeyey:              Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey:              Tala soo Jeedinta Wasiirka    Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

  1. Waxaa Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) loo magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.