Home News Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Laga Hirgeliyey Gudaha Madaxtooyada...

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Laga Hirgeliyey Gudaha Madaxtooyada Garoowe.

103
0
SHARE

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo jimce ah 31 March 2017 xadhiga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe.

Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Daawlada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya,  ha ahaadeen ciidamada qalabka sida iyo in alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo dhulka Puntland.

Xadhiga jarka Masaajidka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumey, Masuuliyiin katirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, culimo iyo wax garadka kale.

Madaxweynaha Dawladda Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Shiikh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhisay masaajidka, waxaana uu Illahay uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay  isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan kawarhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu Madaxweyuhu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka.

‘’Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saran tahay, ujeedada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku cibaadaysanaysaana waa inta gudaha madaxtooyada ku jirta,  markaa waxaa laydin ka rabaa inaad xilgaara iska saartaan ilaalinta, quruxda iyo sharafta masaajidka’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiis kula dardaarmay cidwalba oo ay masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta masaajidka inay masuuliyad iska saraaan, isla markaana aanay u ogolaan in ay waxyeelo soo gaadho masaajidka ilaa ay wax ku siyaadiyaan mooyaayne, waxaana uu illahay uga baryey inuu u denbi dhaafo ajarkeedana siiyo intii ka qayb qaadatay dhismaha maasjidka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle u waydiiyey ummadiisa inuu kasaaro abaarta, isla markaana uu Alle ugu bedele raxmadiisa.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_0002 IMG_0003 (2) IMG_0003 (3) IMG_0003 (4) IMG_0003 (5) IMG_0003 (6) IMG_0003 IMG_0006 IMG_0008 IMG_0015 IMG_0019 IMG_0022 IMG_0027 IMG_0031 IMG_0036 IMG_0045 IMG_0048 IMG_0050 IMG_0053 IMG_0067 IMG_0079 IMG_0089 IMG_0092 IMG_0094 IMG_0096 IMG_0097 IMG_0103 IMG_0104 IMG_0109 IMG_0112 IMG_0115 IMG_0120 IMG_0122 IMG_0126 IMG_0128 IMG_0133 IMG_0135 IMG_0139 IMG_0141 IMG_0142 IMG_0143 IMG_0149 IMG_0151 IMG_0156 IMG_0159 IMG_0163 IMG_0166 IMG_0167 IMG_0168 IMG_0171 IMG_0175 IMG_0179 IMG_0180 IMG_9975 IMG_9985