Home News Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Kulan Layeeshay Qunsulka Dalka Masar U Qaabilsan Arrimaha...

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Kulan Layeeshay Qunsulka Dalka Masar U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

1
0
SHARE

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa kahor inta aanu madaxweyne kuxigeenku ku qaabilin madaxtooyada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, xildhibaano katirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha iyo weftiga ka Socdey safaarada Masar ee Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweyne kuxigeenku  sheegay inay weftiga kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Amniga, Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda, dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan wasaaradaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusay in weftiga socdaal koodani daarana laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay dawladda Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda gaar ahaan isha dhaqaalaha dawladda Puntland ee magaaladda Boosaaso, waxaana uu xusay in dalkiisa Masar uu diyaar u yahay dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey Masar iyo Soomaaliya.

–DHAMMAAD—                                                                          

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_4310 IMG_4312 IMG_4314 IMG_4317 IMG_4321 IMG_4322 IMG_4325 IMG_4334 IMG_4336 IMG_4346 IMG_4356 IMG_4363 IMG_4369 IMG_4436 IMG_4443 IMG_4444 IMG_4449 IMG_4460